qudhaan kula wadaagi lahaa
haday noqon lahayd macquul
qofkaad tahay baan anigu
ahaan laa qayb ka mida

quruxda aad leedahaan
ahayn wax laga qadee
qolofka sare iyo jidhkaad
adigu wada qaadanlayd
ana waxaan degi laa qalbiga

markay ku qabtaan indhuhu
ayuun baan qaboobayaa
miyaan kaa qanci karaa
oo aan quus kuba hadhee
qasnada maankaad degtee

naftaan ku qaboojin laa
hadaad odhanlayd mar qudha
quluubta erayada dhayoo
qalbigu wuu degi lahaa

qiimahaan kugu raacaybaad
qaayaha aad dheertaho
qalbiga dajiyaaay ilwaaad
adaa qalbiyada korshee
nolosha kaalay ila qorshee

markay ku qabtaan indhuhu
ayuun baan qaboobayaa
miyaan kaa qanci karaa
oo aan quus kuba hadhee
qasnada maankaad degtee

Exit mobile version