samir badan markaan goostay
galab anoo nasiib badan
sow gabadh xishood badan
ba jacayl imay galin

intay galay xasuus badan
waliba dhigay amaan badan
waxaan idhi dhalaal badan
adoo kaleba maan baran

go'aan saday dadaal badan
ilmo badan intaan qubay
markaan diray faariin badan
midaan bilis u howl galay
ilayn badhkaygee
waxaan helay bartaan rabay

sanbabada jidhkaygiyo
boogtiyo xanuunkuba
sow adigu beer lullay
boholyow ima tirin

intaan dumar arke badan
waliba bilic asluub badan
adaa ugu udgoon badan
samir iyo dulqaad badan

go'aan saday dadaal badan
ilmo badan intaan qubay
markaan diray faariin badan
midaan bilis u howl galay
ilayn badhkaygee
waxaan helay bartaan rabay

Exit mobile version