xariir dumaroo
xishood huwataa
xilkaa garashada
ku xeeldheeree
xaqiiqda indhaha
xogbaa u tahoo
dhabtii xanaf tiray
adaa xurmo mudan

xin iyo mataqaan
eray xagasho leh
xanaf iyo ceeb
malaha xasirido
xakiim mahadiye
xumaan ma samayso

esh cala xikmadeeda
esh calaa xabadkeeda
esh cala xuuralcayntu
esh cala xiska deeqday
esh cala xamda nuura
esh cala xiska deeqday

xulkii dunida
xarada wadata
xidhiidh hibsho leh
iftiin hadhkaa
xabadka adigaa
inaga xijaboo
midkay xasiliyay
adaa iga xiga

xin iyo ma taqaan
weedho xanafta leh
xanaaqiyo ma taqaan
xishood mida raabay
wan hantiyay midan rabay

esh cala xikmadeeda
esh calaa xabadkeeda
esh cala xuuralcayntu
esh cala xiska deeqday
esh cala xamda nuura
esh cala xiska deeqday

Exit mobile version