anoo xidhayo jacaylka
xagiisaba u jeedin
anoo xayndaab ku ooday
xasuusta dhibaatadayda
adaa helayo xogtaydayda
naftii xaqirnayd u gargaaray
waxaad igu furtay baab xariira
xiisad igu abuurtay maanka
qalbiga adigaa xoreeyay
kashii murugadu xanbaartay
xaqiiq adiga ka maydhay
adaan ku xujeeyay wax dhaama
markaan u helaan xabiibi
dartaa xasilay xayaati
xariir dhaladeey macaanto
adaan kuu xidhay bogayga
haduu xumaan nacab abuuro
adaa xadhigeena goyn
adaan caashaqeena xoorayn
xidhiidhka adaan diciifin
adaa xafidoo dhankaaga
xogteena adaa badbaadsha
xuduuda inoo dhaxaysa
anoonkiyo kala fogaanta
basaylkiyo kala xidhnaanta
hawada xayiraada keentay
mar waynu ka xoog badnaane
ku samir xiliyada macaanto
markaan u helaan xabiibi
dartaa xasilay xayaati
xariir dhaladeey macaanto
adaan kuu xidhay bogayga