adaa wiilyahow dhibtiyo
waxyeelo kajiray naftoo
adaa cishqiga waran iyo
jaceyl igu wabay runaa
adaa waafiyo kalgacal
sidii sidii wali shaacira
weedhaada jiibsanayay
adaa ugu ragoo
adaa ugu wanaagsanoo
adaa u waxgaradsanow
anaad igu wayntahooo
anaad wehelkayga tahay

adaa waayo aragnimiyo
kartiyo wax ogaal lahoo
adaa wacadkeeniyooo
marnaba wiiqayn axdiga
intaan labada wada jiriyo
inagu wadar nahay jaceyl
aniga war war iyo dhibiyo
walaac iga fogee
adaa ugu wacan ragoo
adaa ugu wanaagsanoo
adaa ugu wax garadsanoo
anaad igu wayntahoo
oo macana wehelkayga tahay

Exit mobile version