bal qabsoo adaa i baday
bada inaan jibaaxoo
badhtamaha habeenkii
lahashaan baroortee

boholyowga caashaqa
sidii layla barigii
baaxaa dagaayee
bi'i waayee waa la dhawraa
bini aadanimadee

ma markaad bogaygiyo
beerkayganaad tee
aramidu igu baahdaad
baanan maayo leedahay

bal qabsoo hadaad burin
barashadii kalgacalkiyo
balantii dhexdeena
wali waan u biltiriyaa

bildhaan aragaaaguna
ani waa ii bishaaroo
bartii aan ku kulanaa
booqdaa ayaamoo
wali ubax ka beeraa

Exit mobile version