caashaqa dareenka ah
damac galay naftayda ah
dawadiisu waa adi

anigaba dadkiisiyo
daaraantiisu igu badan
doojiyuhuna waa adi

waa doog qarsoono
dadka uma sinaadee
mala adiga kuma dagin daginee

marka dayr xishoodiyo
dumarnimada lagu daro
anaa adiga kaa daranee

mar hadaynu dookhiyo
dabcigaba ka simanayhay
kaalay daadah kaalay

Exit mobile version