VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Habeen dhaaf - Lyrics

Hoosiis qabaw iyo nasiibow Jacaylkan ufooyinka le nasiibow Hadeerba hadaa ka daran Hoobaan bislaatiyo ayaaneey Jacaylkaan kuu hayaa ayaaneey Habeenba habeen ka daran Wax kale kuma hawlaniye Naftaydaan is haysanaa Halaasina iguma jiro Hadana mooyaan mooyaan Hadhkiisanunbay tidhaa Habeen dhaafna iguma jiro Hadana mooyaan mooyaan Hugeedii noqobay tidhaa Horyaalka aan qaadanoo Sidaa isku haysanee Ayaa laba haleeloo Kala hoyan inaga dhiga Harahoo biyo liyo ayaaneey Jacaylka hujuunka wadi naftayda Hadeedba hadhaw ka daran Hawdkii dalkeeniyo hilaacow Jacaylkan hamuunta qabin hilaacow Habeenba haben ka durug Wax kale kuma hawlaniye Naftaydaan is haysanaa Warkale kuma heelaniye Naftaydaan is haysanaa Habeen dhaaf iguma jiro Hadana mooyaan mooyaan Halkaa ku sidbay tidhaa Humaan kale iguma maqal Hadana mooyaan mooyaan Hubkiisa noqobay tidhaa
Queue is empty
-- / --