ma naxo jacaylbaa
meel igu cidaado
maankayga qaade
mudo badan midkii
muhatay naftaydii
midigtii filaayoo
meel dheer ma joogine
madaxayga suuree
mililkiyo xanuunkii
adaa maydhi karayee
umo wacan midki
maalin ay ku curatee
kuma dhaafi karaye

midkaan doortayoow
maareenta qoysoow
maankay halyayguye
muhanee masiir wacan
meher gaw ku siinaa
mawlaheen inagu simay
marwo iyo ninkeed wacan
waa maalmo duniduye
alle magantii weeyii
maantaba aroos wacan
umo wacan midki
maalin ay ku curatee
kuma dhaafi karaye

Exit mobile version