Nafyahay kaadsoo ha kufin
Karaamo hanoo ha jabin
Kalsooni hankaa ha qubin
Kalgacal hahahah kalgacal yaanu ku lumin

Nafyahay kaadsoo ha kufin
Karaamo hanoo ha jabin
Kalsooni hankaa ha qubin
Kalgacal kalgacal yaanu ku lumin

Kabiid adigoon ka helayn
Kadeedka ka dhawr naftoo
Kashana kasii daa xusuustiyo
Kootadan xiligeedu go'ay

Kabiid adigoon ka helayn
Kadeedka ka dhawr naftoo
Kashana kasii daa xusuustiyo
Kootadan kootadan xiligeedu go'ay

Ruuxaan caashaqa kasaynin
Kasbanin kali kuu ahaanin
U kaasbiyay naftoo
Kal iyo laab ha u jeclaan
U kaasbiyay naftoo
Kal iyo laab kal iyo laab ha u jeclaan

Ruuxaan caashaqa kasaynin
Kasbanin kali kuu ahaanin
U kaasbiyay naftoo
Kal iyo laab ha u jeclaan
U kaasbiyay naftoo
Kal iyo laab kal iyo laab ha u jeclaan

Nafyahay kohosho ha badin
Kolnaba damiirkaa ha barin
Kurbada ruuxaan ku tabin
Kaaftoonoo kaaftoonoo adiguna ha rabin

Nafyahay kohosho ha badin
Kolnaba damiirkaa ha barin
Kurbada ruuxaan ku tabin
Kaaftoonoo kaaftoonoo adiguna ha rabin

Koboc adigoon ka sugayn
Kaahaaguna yaanu damin
Kaadsoo samirkana ha ka tagin
Rabina kaashoo ha tilin

Koboc adigoon ka sugayn
Kaahaaguna yaanu damin
Kaadsoo samirkana ha ka tagin
Rabina Rabina kaashoo ha tilin

Ruuxaan caashaqa kasaynin
Kasbanin kali kuu ahaanin
U kaasbiyay naftoo
Kal iyo laab ha u jeclaan
U kaasbiyay naftoo
Kal iyo laab kal iyo laab ha u jeclaan

Exit mobile version