kolkii caashaqu mug yeeshay
kolkuu curdinimada dhsafay
kolkuu cududiisii buuxshey
kolkuu cadow liicin waayey
kolkii nacab caadam waayey
markay cid waliba ku daashey
siloo helo cudur galaafta
sowtaa caqligu wax garaad kiyo
cidkale ulayeelatee
kaashii caadiga ahayd
ciladu uyeelay maaha
hadaan cabashada naftada
dawiyo cashar siin lahaa
colkaan dhabarka uga tagan
sideen kaaga cuudiyaa
cilmigan ay kuu dhigeen
kolkaan nafta kugu caasumay
kolkaan cado kaa ilaashay
kolkaan cisigaaga dhowray
kolkaan cishqi badan kusiiyey
kolkaan curadow ku doonay
kolkaan cidna kugu halayn
si laynoo kala cidleyoo
sowkaan cindigiyo kaskaagii
culays jiri yeeshayee
anoon cisho qudha dayacin
cadhadu kaa buuxdo maaha
hadaan cxalmashada naftada
dawiyo cashar siin lahaa
cadowgan dhabarka taagan
sideen kaaga cuudiyaa
cilmigan ay kuu dhieen

Exit mobile version