Mudo badan ayaan waday
Maweelada naftaadoon
kuu miraayey hadalkoo
si aan ku maqsuudiyo
meer meerinaayee

Anoo moodey xaajadu
meel wacan inay maraysoo
meher kaliya noo hadhay

Ayaad muran ka daartood
macsalaama igu tidhi
kamanaan mutaysan
axdi aad u meel dayin
waxaa dhaanta mayaan iri

Iinaad may maryaneey
marna kaama filanayn
inaad maya ileedahay walow
maanta aad tidhi isma naqaan

Hadaad mooday caashaqu
maalmo qudha inuu yahay
micnihiisa maad garan
maweeliyo cayaar baad
moodeysaa adiguye

beejka labaad

Intuusani iigu maaxane
micida igu adkeysan
mahadhadiisa igu badan
mid kalaan la haystaa
marna imaadan odhanine

Uurkoo mayidaad afka
malaha kayeesho
isukey macaysee
murugaan ihayniyo
mushkilo igu abuurtee

misna muran ka daartood
macsalama igu tidhi
kamanaan mutaysan
axdi aad u meel dayan
waxa dhaanta mayaan iri

Inaad may Maryaneey marn
Kaama filanmayn maryaney
marna kaman filanayn
inaad maya ileedahay walow
maanta aad tidhi isma naqaan

Hadaad mooday caashaqu
maalmo qudha inuu yahay
micnihiisa maad garan
maweeliyo cayaar baad
moodeysaa adiguye

Exit mobile version