Sida uduga neecawda
Istareexa reexaanta
Ku ildoogsigi ubaxa
Intifaacsi aragayga

Qoraxdoo ilayskeeda
Soo wada eekaynaysa
Shucaaca oontiisa
U eekata muuqaaga

Quruxdiyo itaalkaaga
Isir raaca bilicdaada
Iyo aniga dookhayga
ALLOW yaa isugu keena

Sida ololka iyo nuurka
Oogadan iftiimaysa
Ehel xuuralcayneedka
Kaligaa istaahilida

Aramida jacaylkayga
Xiska sii asqaynaysa
Oonkiyo haraadkiisa
Adigunbaa anqarin karayee

Exit mobile version