Aniga wali Eed maan galin
Abti iyo ehelkee ma dilin
Awradeedii rumaad
Walaakeed igama nixin

Asaagee uur xumiyo
Aqayo ciil maan badin
Agoon xoolaheed ma cunin
Abaabul Qabiil magalin

ALLAH mahadaa
ALLAH mahdaa iska leh
Abaalna waa waalidkee
Asluub igu abaabiyoo
Abaalkoodaan u celin

Annigu wali eex maan galin
Aftiriskana la iima barin
Ilmaha somaaliyeed anigu
Waa wada abkee

Ayaan qura kaan bartiyo
In badan kii aan aqiin
Ayaa tahay kuma iraahdo
Midbay ii wada yihiin

ALLAH mahadaa
ALLAH mahdaa iska leh
Abaalna waa waalidkee
Asluub igu abaabiyoo
Abaalkoodaan u celin

Exit mobile version