Dhawr habeen Oo tagayee
Dhib wixii aan ka dhaansadey
Dhawr habeen Oo tagayee
Dhib wixii aan ka dhaansadey

Ala dhabtii hurdo ala huuno
Dhabankaygan maan dhiginee
Walee dhabtii hurdo macaan
Dhabankaygan maan dhiginee

Dhuuni wixii la cuno jiray
Dhuuni wixii la cuno jiray
Ii dhanaanaa
2x
Inaan kugu sii dhawaadaan
Haatan dhawrayaayee
Inaan kugu sii dhawaadaan
Haatan dhawrayaayee

Intaan dhinacaygan ciidiyo
La dul saarin dhoobada
Intaan dhinacaygan ciidiyo
La dul saarin dhoobada

Walee dhambaalaan u diroo
Tii Ilaahay dhamays tiray
Walee dhambaalaan u diroo
Tii Ilaahay dhamays tiray

Ha dhaqanoo aduunyadan
Ha dhaqanoo aduunyadan
Ha dheeliyinee

Inaan kugu sii dhawaadaan
Haatan dhawrayaayee
Inaan kugu sii dhawaadaan
Haatan dhawrayaayee

Exit mobile version