Wax dhintaad ka samirtaa
Rajo waa la dhowraa

Waxii lumay doon doon
Ayaad isu dhiirgalisaa

Dhaban ceel tagay baan
Meel dheeliyaayoo
Dhalandool haraadan baan
Iska dhigayaayoo

Dhici waaydoo sidaan rabay
Dhaawacii baa cilaacoo

Waa dhaboobay jaceylkaan
Dheel dheelsanaayee

Dhagax dhuunto kama dago
Dhaayahaad ku araktaa

Dhirta meesha dooga leh
Carabkana dhadhamishiga

Anna dhaawac baaan ahow
Dhibtu way iga badantahoo
Dhidid iyo kuleel baa
Dhabanada ka da’ayee

Dhici waaydoo sidaan rabay
Dhaawacii baa cilaacoo

Waa dhaboobay jaceylkaan
Dheel dheelsanaayee

Exit mobile version