Sidii sidii roob da'ay Kaliil
Reegaame soo onkoday
Ku reereen dadkuna
Sidii rays iyo Xareed
Ramas iyo geedo baxay
Sidii ramad caanaheed
2x
Naftaydu miday rabtaay
Rubada godan iyo wadnaha
Naftaydu miday rabtaay
Rubada godan iyo wadnaha
Ridada caashaaqa ka goo
Ka goo ka goo ka goo
Ridada caashaaqa ka goo
2x
Sidii sidii reexaan udgoon
Sidii reereeyay ubad
Sidii Rucub laan ku taal
Sidii rahan iyo caleen
Sidii raamaha fardaha
Sidii reexada macaan
2x
Naftaydu miday rabtaay
Rubada godan iyo wadnaha
Naftaydu miday rabtaay
Rubada godan iyo wadnaha
Ridada caashaaqa ka goo
Ka goo ka goo ka goo
Ridada caashaaqa ka goo
2x

Exit mobile version