Qamaray jacalyku
quraan layska saariyo
wax ka qabasho leeyahay

Qudhii qays markuu jaray
layla qolka galiyaaba
hore looga quustee

Qabuuraha inaan galo
haatan ii qorsheysee
Inaad iga hor keentee
waa inoo qiiyamaha

Dhulku kala qaboobe
meelan qaxar lahayniyo
bidhantii qoryooley
qaadir kugu abuuryeey
indho qabad wanaagey.

Sida roob qayoodoo
qaboonada intuu da’ay
dhirtu wada qarsoontee

Qaybisay midhaha iyo
lagu soo qamaamoo
qool baxay la moodyey

adigaa i qoomoo
qancimaayo jeeraan
isu qayb ahaaniyo
quwad aan waadaagnee

Dhulku kala qaboobe
meel aan qaxar lahayniyo
bidhantii qoryooley
qaadir kugu abuuryeey
indho qabad wanaagey

Exit mobile version