Qalanjadii haweenkaay
Qurux lagu manaystaay
Qarnigan hablaha kacay
2x

Qaaradaha aduunyada
Qancisayee naftaydii
Qaaradaha aduunyada
Qancisayee naftaydii

Aday kuu qashuucdee
Aday aday kuu qashuucdee
Qoys wacan ma noqonaa
Qurux ma u wadaagnaa
Qoys wacan ma noqonaa
Qurux ma u wadaagnaa
2x

Qumanoow jacaylkii
Qeys iyo cilmiba dilay
Ana igu qayoodee
2x

Qacdi aan ku eegaad
Maankayga qaadee
Qacdi aan ku eegaad
Maankayga qaadee

Aday kuu qashuucdee
Aday aday kuu qashuucdee
Qoys wacan ma noqonaa
Qurux ma u wadaagnaa
Qoys wacan ma noqonaa
Qurux ma u wadaagnaa
2x

Qancisaay jacaylbaa
Qalbigayga galisoo
Waan kuu qashuucee
2x
Qiima iyo wanaagbaa
Qaadirkay ku siiyee
Qiima iyo wanaagbaa
Qaadirkay ku siiyee

Aday kuu qashuucdee
Aday aday kuu qashuucdee
Qoys wacan ma noqonaa
Qurux ma u wadaagnaa
Qoys wacan ma noqonaa
Qurux ma u wadaagnaa
2x

Qaadirkii ku uumaa
Qurux kugu manaystoo
Qofna kulama simaayee
2x

Kaa quusan maayoo
Wadnahaad ku qorantee
Kaa quusan maayoo
Wadnahaad ku qorantee

Aday kuu qashuucdee
Aday aday kuu qashuucdee
Qoys wacan ma noqonaa
Qurux ma u wadaagnaa
Qoys wacan ma noqonaa
Qurux ma u wadaagnaa
2x

Qoys wacan ma noqonaa
Qurux ma u wadaagnaa
Qoys wacan ma noqonaa
Qurux ma u wadaagnaa

Exit mobile version