La calmada waxad tahay
Cosobkiyo ugbaad kiyo
Ku bar baartay caanoo
Curdanku aan ku dheerine
X2

Alla sida sidaa sida
Canabka beeraha X2

Cirka oo hilaacoo waqal
Fidiyay caarrada faladhaha
Cad ceedaa X2

Qotomida xubnaha iyo
Luquntiyo cabaaryaha
U eg faraska caynaba
Ku calool jeclaadee X2

Ninka calaf ku siiyee
Ku caruusa adigoo
Gogol kula caweeyaa
Cawo iyo Ayaan lee X2

Ku caashaqay cadaray
Alla cadareey hay jabinin
Cadowgee noqo midaan
ku ciil baxo X2

Cawo dhalad waxaad tahay
Sida ubax cadaadeed
Ama Cadarka oo kale
Carfin Iyo udgoon lee X2

Alla sida sida sida
Curasho dayreed X2

Cirka oo hilaacoo waqal
Fidiyay caarrada faladhaha
Cad ceedaha X2

Canbar iyo sidii luul
Ama dahabka cayriin
Caynadooda leedahee X2

Ninka calaf ku siiyee
Ku caruusa adigoo
Gogol kula caweeyaa
Cawo iyo Ayaan lee X2

Ku caashaqay cadaray
Alla cadareey hay jabinin
Cadowgee noqo midaan
ku ciil baxo X2

Exit mobile version