VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Heesta Maxaa kaa lilaahiya – Looli - Lyrics

Looli heganahaydoo Labagoor kolkii helay Dhulkoo liqay xareeddii Rayskuna labeen yahayeey Oo laama ubaxiyoo Isku luray caleentii Leegleeganaayaaan Saxansaxa lulaysiyo Sida laydha udugga leh Laab qaboojiyaay Maxaa kaa lilaahiyaa Caashaqa ha lalineee Sidaa aar libaaxoo Lisanaaya miciyahaa Amaa laqan maroodiyaa Oo laama ku cartamayeey Ama faras laamihiyo Birmadkaba lihiin kuleh Lidka geedigeedii Farxad lagu abuuree Caashaqa aan ladantayee Adna hoo libtiisoo Kala leexan meeynee Adna ha isku keey ladin Sidii aan u laabkacay Ladi waayay jiifkoo Sidaan u lamalagdoodaay Lac waa ka doortaayee Laabxadaydaa beerkiyoo Qalbigaygaad ka lulataa Laxawgeedaa sii koror Libkii halista iga muday Inaan liito aragtayee Intaan loxodka la idhigin Maxaa kaa lilaahiya Caashaqa ha lalinee Reerkii layli dhaansada Haamuhu ka laayaaa Haraadna kama ladnaadee Lugtii jeeni dhaaftaayeey Lugooyeey kusocotaa Laftu weey jabtaayoo Lamaanihii isdoortee Isu laab fiyoobin Maba aanan lulanine Bal maxaay ka leeftaa Kala leexan maynee Adna ha isku keey ladin....
Queue is empty
-- / --