Galgacaylku waa cudur
Ciriq weeye ruuxaad
Caashaqdaada weeyee
2x
Adaan cod farax leh iyo
Cisayn kula agjoogaa
Adaan cod farax leh iyo
Cisayn kula agjoogaa

Caro idig hablaha kacay
Adaan kali ku caashaqay
Cindigayga laabtana
Calmashada adaa baray
Adaan cod farax leh iyo
Cisayn kula agjoogaa
Caro idig hablaha kacay
Adaan kali ku caashaqay
Cindigayga laabtana
Calmashada adaa baray
Indho cawla iyo
Midab galay casaan
Cududaha jidhkiyo
Cabaadhyaha sar go,an
Curubaa tahoo
2x
Cisho roobku hooroo
Cirka dayaxi kaa jiray
Dhulka uu cadeeyoo
2x
Adigaan caynoo
Oo caadil qurux ku siiyoo
Adigaan caynoo
Oo caadil qurux ku siiyoo

Naftaydaad cajabisoo
Culayskiyo dhibaatada
Anigaan caloolyoow
u baday nin ciilkeed
2x
Indho cawla iyo
Midab galay casaan
Cududaha jidhkiyo
Cabaadhyaha sar go,an
Curubaa tahoo

Caro idig hablaha kacay
Adaan kali ku caashaqay
Cindigayga laabtana
Calmashada adaa baray
Caro idig hablaha kacay
Adaan kali ku caashaqay
Cindigayga laabtana
Calmashada adaa baray
Indho cawla iyo
Midab galay casaan
Cududaha jidhkiyo
Cabaadhyaha sar go,an
Curubaa tahoo

Exit mobile version