JALIIL waxuu kuu qoraan
kolnaba lagaa joojinayn
jamalkan aan u soo mariyo
jid dheer waxan soo maraba

jigjiga goortaan dhex imid
jacayl igu beermaybaa
jaleecada eegmadana
midaan laga jeedsan karin

qalbiga jeex igaga taaliyo
joog dheer khadra sow ma baran
jidkii noloshaydiiyeey
indhuhu waa jooradaa
jalbeeb hadalkaagiyo
horjoogaagaan jeclee
marnaba kaama joogi karo
marnaba kaama jiibsan karo

sidii jeegaanta roob
naftaa kuu jeelano
jamasho intaan kuu qabana
marwooy hurdo jiibsan waaye

jalbeeb goortaad tidhaahdana
jawigu ii hagaagsanaa
jaleecada eegmadana
midaan laga jeedsan karin
naftaydii jiidatoo
qalbiga jeex igaga taaliyo
joog dheer khadra sow ma baran

Exit mobile version