Shamisay shaal iyo
Xariiray luul iyo shay
Qaaliya ahay ilaah
Sharaf kuu dhameyay
X2

Shacniga quruxdana
Layaab dadkii kugu
Shaamareer
Afkana hadalkii shib
Yiri indhaha shoog
Baa qabsaday X2

Sidii dayax shan iyo
Tobana cirkoo aan
Shaqal lahayn shin
Kii galay oo hilaac
Shabadihii somaliyed

Adigaa wada shiiqiyoo
Shucaacii nuurayaay
Qalbiga waad shafidee
Ma wada shekaysana
X2

Jacaylkii qays shileeye
Cilmina shalow kala
Dhacee abwaanadu
Sheegayeen X2

Shaki baa bari igaga
Jiray inuu yahay shay
Jiree hadaan shabaga
Ugaloo siduu yahay
Shaashle aaar X2

Baqiyo shuush igu
Ridoo shidada aan
Qabo dartaa hurdada
Uga shaacayoo
Shucuurtaydiyo
Niyada shokanta
Adaa uhayee

Shucacii nurayay
Qalbiga waad shafide
Ma wada shekaysana
X2

Exit mobile version