midaan abid tabayoo
wadnuhu ku taami jiroo
niyada ku talaalayoo
hablaha ka tilmaansadoo
tusaale u ahaan jirtay

hadaan caawa u tumay
taashkana loo saarayoo
tortaha wada jarayno
waa aroos waa aroos
waa aroo taariikhda galay

jacayl igu talaashaybaa
igu sii tarmaayoo
waa kaa noo toosayo
tiirkaa noloshaad tahoo
qurux lagu tilmaamaa

Exit mobile version