waheey waaqlaan u baxayoo
cidlaan weehaabayaa
cidlaan wehaabayaayoo
markii aan ku waayay waashee
hadmaynu is weheshan doonaa

waaxyahaad jacayl ku waabtoo
wadnahaad waran igaga taagtee
wadnahaad waran igaga taagtoo
warkayga caruurtu warisee
hadmaynu is weheshan doonaa

weheey waanigaa wikinayee
intaan wiiqmay wehanaabee
u baahday waraysigaagee
hadmaynu is weheshan doonaa

Exit mobile version