hoy lagu nagaadiyo
imisaan hir doogliyo
hoobaanta kuu lulay
hanti wiixii aad jeceshay
naftu ay haybinaysnaa
hareertaada maan dhigin
hagar li,i jacayl dhaba
haybadiisuu wacan tahay
saw kuumaanheshiinoo
halistana kamaan jirin
hugunkiyo dhibaatada
hadimada dad kale wado
waadiga u hantaagoo
sii daba hugleeyee
haye nabade gor kale

hashaa baaqintaa iyo
awrkaan hayin ahayn
hayaan laguma guuroo
hubaal cashaqagii
inkastuu haniyaha dagay
haatan waan ka raystee
hawliihi dhexdeeeniyo
hamigiyo arooskii
adigaa hakiyayayoo
haadaan ka tuuroo
hugunkiyo dhibaatada
hadimada dad kale wado
waadiga u hantaagoo
sii daba hugleeyee
haye nabade gor kale

Exit mobile version