Qaali ladan :
Waataad dhib mudatee
dhursugeysay waayee
hawl kaa dhamataa
ii dhalatey caawee.

Dhuxushaad ku joogtiyo
dhamacdii dareemee
dheel ma joogtee
dhab u fiirso waligaa

Caaqil yare:
Dhibta lay isku egaa
wey inoo dhexaysayoo
adiguba dharaaraad
ka qosleysey dhooshee.

Anna dhiig sidaan galay
keymaha ku dhuuntee
saw caawo dhaantiyo saw
filanmeysid dheel-dheel

Qaali ladan :
Dheegow danteenii
anigaa dhalliiloo
ruuxse dhaawac geystoo
dhayayaa ma liitee.

Ruux taladu dhaaftana
dhaaxaanu aragnee
dheel ma joogtee
dhab u fiirso waligaa

Caaqil yare:
Dhulku wuxuu la qayshaa
dhamacdii i gubatee
dhirtu waxay la oydaa
dhuxushaan magaabashee.

Amba dhamay qadhaadhkee
waa inaad dhadhamisaa
saw caawo dhaantiyo
filanmeysid dheel-dheel

Exit mobile version