caaqilow dhabtii roobkoo dhibcoo
dhulka simay doogu adigaa ka dhigan
dhaayahana u roon muuqana wax dheer

nafta kii dhayee caashaqii mar dhibay
aan ku dhaafinoo ha iga dhiman macaan

jacaylkaan dhisnaa dhalay dheef liblee
dhaydan xoorku ladhay hooyoo
macaan bal dhadhami

nashaaday dhabtii cadceedoo dharaar
dhulkoo doogu simay adigaa iiga dhigan
dhugasho ku wacan quruxdana wax dheer

xidigtaan jantee iyadoon i dhibin
nafta dhiirisaay ha iga dhimana macaan

jacaylkaan dhisnaa dhalay dheef libee
dhaydan xoorku ladhay hooyoo ila dhanoo
macaan bal dhadhami

Exit mobile version