Raxmad iyo barwaaqaa
Cumaraw rumowdoo
Reerkaagii sawda caawa waad rafiiqdeen

Idinkuna RAXMAANKAN duco idiinka reebna
Noqda labadaan rafaad mudan
kala roorin waligod

Ubad aad rabaysaan RABI idinka beeryo
Raas lagu nagaadiyo
Loo wada riyaaqoo ku raaxaysta nolol wacan

Raaskaad ka dhalatiyo
Rugti aad yagleelsheen
Waa raasamaal guur
Loo wada riyaaqee

Way idin rumawdee
Riyadeenii gaadhee
Nolol lagu raaxaystiyo
Rajadiinu waa khayr

Exit mobile version