Mudantii habeenkaay
Kala maarmi meenee
Muxibada dareenkiyo
Ha igu muusin caashaqa

Naa hooy caashaay
Maareey ujeeda
Meel sare aan gaarnee
Adiguna bal caashaay
Ha wada meeleenee
Maareey ujeeda
Meel sare aan gaarnee

Murigiada jaceylkiyo
Nafta waxay umuuqataa
Inaad meel la joogtidee

Adiguna Macaanoow
Anwada maareenee
Maareey ujeedada
Meel sare aan gaarneey

Muxibada dareenkyio
Ha igu muusin caashaqa

Mareerkoo bilsaadiyo
Mareer canab la moodyee

Naa hooy caashaay
Maareey ujeeda
Meel sare aan gaarnee
Adiguna bal caashaay
Ha wada meeleenee
Maareey ujeeda
Meel sare aan gaarnee

Sida geed magooloo
Ubax midibyo badaniyo
Miisaamay laamaha
Ay naft ku moodaa

Adiguna Macaanoow
Anwada maareenee
Maareey ujeedada
Meel sare aan gaarneey

Exit mobile version