cishiyo laba caano maal
codkaaga hadaanan maqal
kumaynaan wada cawaayn
caraabaha kama nastoo

caqtaydu majooqsatee
sidii curad hooyadii
cawaloow ugu tidhaa

caynkoodaad igu tahoo
caashaqa wadaajinoo
hadaadan kuwacan nasiin

cirkoo caro edeq dhamaan
camuuda waraabiyoo
barwaaqana caan kadhigay
dhalintu caways yihiin

ciyaaro usoo baxeen
hablaha ragu soo calmado
siday codka uga rogaan

Exit mobile version