Arooskani mudan
Farxad iyo mushaxarad
Waa mid lagu milee

Maamuus ehelkood
Mar waliba ducada
Ay ku meeriyeen
MAWLUHU ajiib

Anaguna murtida lama maaginoo
Waa mid loo huree
Marwo xurmo leh
Iyo mudanahaa is helay
Meherkooda dhacay
Lagu wada mabsuud
Oo lagu maqsuud

Lamaane jacayl Muhashada weheshigood Midhihii gurtoo

Macaankeeda noloshana
Mar hadaad midnimo
Duco magansateen
Macaash waad besheen

Exit mobile version