Waxaan ahay xero ku dhalad
Xalaal lagu soo korshoo
Xishoodkii gabadhnimiyo
Xeerkii dhaqankii sidoo

Mar kale xiisaha jacayl
Xiskeeda ku hoorayoo
Xeel dheere la qaybsatee

Xaqdhawriyo sharaf kalgacal
Hadiiba xidig leeyihiin
Midkii u xasuus badnaa
Anuu igu xeeranyoo
Farxadbuu ku xasilay qalbigu
Xamdiga RABIBAAN ku helay

Waxaan ahay xaas gobeed
Xanaano wanaagsaniyo
Xurmadii guur lahaa
Xaqiiq lagu maamuloo

Waa qaab xanafiyo xanaaq
Maskaxdu la xanuusatiyo
Xarago been laga tagee

Exit mobile version