In dheer garad geesiyow
Ilaaliye sahan aan galay
Ragoo dhagan uga xushow
Asaagna midkaan qarnigan
Aqooniyo talo bidee
Inaan oori u noqdana
Naftayda ku aaminow

Kalgacalkaan ababintiyo
Astaamaha dhaqanka iyo
Asluubta ku maamulnaa
Hadeer udubka u mudnee

Labadii is maqal fiican
Ixtiraam dhexdood yaalo
Ku idlaysta noloshooda
Ubad iyo aduunba u hura
EEBUHU intuu siiyo
Intifaac lanoo galiyo
Ku aflaxa midnimadooda
Ha ahaado reerkeenu

Ilwaad qurux ay naftaydiyo
Ishaydu ku doogstoon
Gayaan uga ulanayaay
Aroor waa ii baryiyo
Bishoo tobaniyo afara
Sidooda ii nuuriyaay
Qalbiga oon iga tiraay

Exit mobile version