intuu lubigay ku raacay
habeenkii hurdo kaama lado
waxaan salalaa lix jeer
dharaartii ma laamadoodo
laabtaan kugu qoraa xusuus

markay ladanaw dhigeenu
lool caashaq wadaagayaan
leg isu casuumayaan
ayaan kali luudayaa

la'aantaa aawadeed
lug iga maqanbaan tabaa
si aan lahashada u da'aayo
hilowgana uga ladnaado
liibaanta ifka ugu mudan
goormaan wada laasanaa

intay naftu kugu ladnaatay
laxaadku dhinaacaad jirtay
ayay luguhu sidaan

Exit mobile version