VOA A B C D F G H I J K L M N O Q R S T U W X Y Z

Dajiso heesta Dalkii idinkaa qaribay mp3 ahaan

download download //
Hadii ay kuu dajismi wayso midka hoose isticmaal
download Dajiso

Sida loo dajiyo


1. Qaabka mobile-ka:
Sida ugu sahalan aad udajisan karto waa adigoo Mobile kaada ku shubto barnaamijka Masuul somali music waxaad ka isticmaali kartaa Iphone -ka iyo telfoonada kale sida Samsung ga, kaliya halka barnaamijyada laga dagsado ku qor magaca ah Masuul somali music
2. Qaabka labaad, laptop-ka ama Computer-da waa wayn
Waxaad kaliya riixeesaa link- sare kadib woo kuu dajismeesaa, haddii ay dhacdo inoo daarmo waxaad isticmaashaa right click, kadib save dheh ..
Hase yeeshe, waxii intaa dheer sitoos ah Snap chat-ka la xariir #Lamaane

Cabdala Y Hanuuniye
Dalkii idinkaa qaribay

dalkii idinkaa qaribay
dadyooow kala wada qoqoban
intuu dagay qaarba meel
oo ay qoys qoys noqdeen
mid kasta ila qumanyoo
qofiba qof dhaliilayaa
cudurka aad wada qabtaan
qabkaad wada huwan tihiin
qabiil weeyi sideeydin
soomaalay qaran ku noqon
miyaydaan qubuuro iyo
waxgarad qabin akhyaar
miyaydaan qaab dadnimo
qadarinayn walaalayyaal
miyaydaan wax is qabtoo
is qiimeeyaba lahayn
maxaa culimadii qabsaday
quraankii miyu ka lumay
miyuu qasif nagu dhaco
qasaaraha lagu farxaa
qaneecaad nabadgalyiyo
miyaa qayrkiiba la nacay
miyaad qaflad uun ku jiro
qiyaamaha ilaa la tago
soomaali qalooocaneey
ogoow quwadii alloo
quruumo rogtaybaa jirtee
qisay reebtaa qisabee
qubaneewuu soo toxnaa
taariikhduna way qortaa
qaladku qulubuu dhalaa
qulubku qarax baa dhalay
dalkiisii oo qariban
fanaan wax ka qaban karayn
dadkiisii uu qabiil qabiil
u qaybsamay baan ahoo
qalbigu way ololayaa
intii qumanoo dhan iyo
qofkii ila aragtiyii
iyana way la qabaan
qabkiyo kibirkii is dardaray
is qoonsadayee is qabsaday
qatarta umaday gasheen
intuu qabar laayay iyo
qaarkuu faniinku dilaye
qudhaba wixii aan ku wayn
mid quud u carariyee
dadkii qulquloo badnaa
qaxootiga wada noqdiyo
qiimihii dalka dadka iyo
qaranka soomaalinimo
qaab aan u heli karnoo
hal qodob baa jira ogoow
dastur weeyee iska qoran
dadkana lagu kala qanciyo
qaladka lagu kala saxee
sinaan wax ku qaybiyoo
kitaab weeyee quraan
qabsada soomaaliyeey
qurafaad lama rabee
dadyoow qubayoo ka tagay
wixii qaadir xalilay
qaybihiiuu naga xarimay
intay qaateen kuliba
qaladka dambigay galeen
iyaga oon ka qoomamayn
iblaysku usii qurxiyay
waliba iyagu isla quman
qisaasaha aakhiriyo
qabriga lays gayniyo
qudhoo baxda naga xigte
qahaar inuu eebe yahay
qiriba maysaan miyaa
qalbigii miyuuidin qalalay
qiyaama war baa jire
cadaabaha qiiqiyee
qoryaha dadka looga dhigay
jidhkiinan qafiifahoo
qoraxda aan xamili karayn
quwiyo taag uma hayee
qatarta aad dhex taagan tihin
kasoo baxa qoomyahaaw
quraanka usoo noqdoo
qafaar yaa tawba dhaha
soomaali qaloocaneey
qaf rabak

codkii Cabdala Y Hanuuniye