shinbiryawood dabaylaha
daruuraha dhex marayaa
daa inkii ku uumaa
orada kuugu dawgalay
ana inaan nin dilan ahay
dakharadii jacal qaba
deerkaama saarnoo
dushaydaad waad ka aragtaa
shinbiryahoow dunidda idil
meeshii aad doontaba
adigaa uduuloo
damaashaad kuwada mara
dal fogoo aanan gaadhay
dag dag adaa ku tagi kara
adaan daalin socodoo
waligaa dekaaminee
abidkaa ha igu didin
ku dagaali maayee
waxbaan kuu dirsanayaa
war qadam daboolane
dusha sawirku kaga yaal
dawadii qalbiga
dag dag iiga gaadhsii
waanadu madeeqdoo
dadkiibay caloobeen dhe
duco iyo quraanbay
wadaadadii ku daaleendhe
aduu kugu danseegoo
dumarkaleba inankii
qalbigiisu diidyoo
caashaqiina muudayn dheh
adoo imika duuloo
daadihiya mooyee
dawo kalena loowaadhe
adna doqon la caashaqay
deeqaay hanoqonoo
usoo dabac dhe inankii

Exit mobile version