Xiisihi kalgacalke
Xusuustooda laabtiyo
Xididada dhiiga xambariyo
Ku xeeran qalbiga
2x
Xumad igu shidaayoo
Xasadiidayee
Xaalku waygu ligan yahay
Xidigahan lalaayaa
2x
Xuralcayntii dumarkaay
Xulashadii naftaydaay
Xaawa xawa xawoy
xagaaga yanka mudanine
2x
Xaalkaagu siduu yahay
Xili qudha ma moogiye
Xalay waxad ku baridaan
Xansadaa aroortii
2x
Xurmo iyo xanaanaan
Caashaqa ku sidayaa
Xabaal intan galayana
Naftayda wan xajinayaa
2x
Xuralcayntii dumarkaay
Xulashadii naftaydaay
Xaawa xawa xawoy
xagaaga yanka mudanine
2x

Exit mobile version