axad iyo isniin aqal loo dhiseey
arbaciyo ayaan wacan lagu aroos
abshirtiyo ayaankaaga waan arkee
af madoobeey khamiis baad ku aadan tahay
marna ina aadeer marna ina abtaay
ku jeclaadee armaan jeebka kugu ritaaa

anigaa kuu ogoo istareex baad gali
ala bari jiimcaha awliyaad tahaye
inanyahay sabtida umadoo dhan baa
kuu imaanaysee abshiraysaan ku idhi
marna ina aadeer marna ina abtaay
ku jeclaadee armaan jeebka kugu ritaaa

Exit mobile version