nafyahay iga yaabisee
aadmiga ruux kugu neceb
sideed u jeclaan kartaa
sidee ruux aan inaba
adiga arxan kuu galayn
noolaha aadmiga joogiyo
umada uga doorataa
aheey nafyahay qaldani
hadaad iga qaadan talo
waxaan ku odhan lahaa
go,aan adag qaada oo
jacayl aan lagu wadin
ayuu wakhti kaaga lumin

nafyahay iga yaabisee
aadmiga ruux kuugu neceb
sideed u ag tagi kartaa
sidee ruux ku inkiroo
indhaha aan ku siin karayn
sidee oontiyo biyaha
awgii uga gu,i kartaa
aheey nafyahay qaldani
hadaad iga qaadan talo
waxaan ku odhan lahaa
go,aan adagg qaada oo
jacayl aan lagula wadin
ayuu wakhti kaaga lumin

Exit mobile version