hiir baan laacaa hurdada
markaan hinqadeen kacana
hawiyo been buu noqdaa
humaag baan kuu arkaa
hadana hibashada kalgacal
hadhkaygaan ku moodayaa
hadaad halista jacayl faraxey
iiga hiilin lahayd
naftaydaan kuu huri lahaa

haybad quruxiyo dadnimo
hablaha adigaa u sitoo
waliba ku hawaawiyaa
anoo kuu heelan baad
halistiyo wadnaha i goysa
huq iyo ciil bay i badaa
hadaad halista jacayl faraxeey
iiga hiilin lahayd
nafaydaan kuu huri lahaa

Exit mobile version