taariikhda xadiiska
xididkeeda jira
hadaan xuub la saarin
dumar waa la xulan jiray
xodxoda dooonka
guurka hadii xarigu laba sugo
xad gudub aad samaysiyo
xumaan gaara maahee
ragoow xaqsoorka dumarka
yaan loo xil fududaan

xiliyada silsilada
xadhigooda taxahaa
hadaan xubin la raacaa
dumar waa la xulan jiray
xan dhoobadii
damacu hadii
xasadku laba sugo
xeerkii islaamkiyo
maad xumayn dhaqanka
ragoow xaqsoorka dumarka
yaan loo xil fududaan

Exit mobile version