ILAAHII ku abuuray eed malehee
aqoontoo kaa xumaataybaa i tidhee
aniga ku arkoodaa ayaan daranee

aqoontaydii yaa iiga soo celiyoo
calooshayda yaa ka soo cula oo
caadiyo iga saara ceeryaanee

ayaanba ninbay abeeso cuntaa
eedaadka naftaydu irkatoo
adkayso waa i noo ayaan kale e

Exit mobile version