xalay galin dhaxaadkii maraan gaar u faashaday
isla aqal galkeenii labadeena kala guray
geedkaan lahaa beer xididada u goysee
garbahaad lulaysiyo waa maxay gilgilashadu
waxaad waxaad gocoto ii sheeg
waxa boqol dhigiisiyo arin gurucanaa
gurigaan dhisaayiyo galadaan gunud lahaa
guushaan lahaa hees ila garani waydee

Exit mobile version