Gacalo caawa golaha
fiican gacanta keeno
giiji cayaarta

Hablaha gadaadee
gollaha joogana
midaan ku garab
dhigo garanba maayee

Haygabin Haygabin
ha i goynineee
gacalo adaa gayan
kuu jeclee guman
shisheya waa nacee

waxaa ku goystay
inaan nafteydiyo taada
gacalooy guri ku hoynee

Yartaan gu’yaal badan
u gooni yoobay
galbis arooskeeda
u guul xayaatee

galbiskiyo cayaartana
golaha ka maqantahey
hor ilaahay gacaloy
ha i gaba gabayn

Haygabin Haygabin
ha i goynineee
gacalo adaa gayan
kuu jeclee guman
shisheya waa nacee

waxaa ku goystay
inaan nafteydiyo taada
gacalooy guri ku hoynee

Exit mobile version