Inanyahay gob baad tahay
gobi gob dhashaa tahaya
Gacal iyo xul baad tahay

Haween golo istaago
Haybad gaar ahaaneed
guula heen ku siiyo
loo gaar fadhiistoo
gudi ay ku kulanto
gollo laysku siyo
la gudoontay baad tahay

Gaari dhaban leh baa tahay
xillo geesi baa tahay
tii aroos lagu gamgamyo
gamaankii fardood iyo
geel istaahil baa tahay

Gacala hoooyadaa baa
sumad gaara bixisoo
mid isgaarsan baa tahay

Gacala hoooyadaa baa
sumad gaara bixisoo
mid isgaarsan baa tahay

Guurkoo hagaagiyo
ducaan kugu galbinaya
guuleeyso waligaa
ku nagoow guri wacan

Guurkoo hagaagiyo
ducaan kugu galbinaya
guuleeyso waligaa
ku nagoow guri wacan

Exit mobile version