Sidii qorax joogta
Dharaaro jirda gooye
Jidhaamaha buuxshay
Xareeduna jiifto
Duluusi ma joohuu
Taleel iyo doog leh

Jamaalkaag iyo muuqaa
Marka aan ku jaleeco
Ayaan ku jantaa
Ayaan ku jantaa anigu

Naftayda jibaysan
Jacaylkuna waalay
Dhankeeda u jeedso
Naftayda jibaysan
Jacaylkuna waalay
Dhankeeda u jeedso

Hadaan laba jaartay
Jidhkoodiyo ruuxda
Quluubtu is jiidan
Xidhiidh jira maaha
Jacaylkuna dhuuxa
Jarmaadi dhinacayga

Ayaamaha jeelka
Maxaa jiri xoogan
Jidhkayga ku beeran
Jidhkayga ku beeran

Naftaadaa jibaysan
Jacaylkuna saaqay
Anigaa u jihayne
Naftaadaa jibaysan
Jacaylkuna saaqay
Anigaa u jihayne

Naftayda jibaysan
Jacaylkuna saaqay
Anigaa u jihayne
Naftaadaa jibaysan
Jacaylkuna waaley
Dhankeeda u jeedso
Anigaa u jihanynee
Jacaylkuna waaley
Dhankeeda u jeedso
Jacaylkuna saaqay
Anigaa u jihayne

Exit mobile version