sida baardhediyo qurux
dayax kuu dhameeya
hablo taako dheertahe

waxa gala dhaamntiga
ifka dheeman iy luul
ogow ku dhaafsan maaye
dhabtuu jaceyl yaala

dhexda taako iyo socod
ama dhabarka geenayada
sida dhamal dhulka is wadhay
timahaaga kala dhacay
waa waxa i dhaawacay
aan ku dhaweeye
marna ku dheehde
kiskay ha dheeran

sida aad dhalaan tahay
oo aan ku dhalay
dadka kaa dhaweystee

dhinacyada wadnaha iyo
dhuntuu kalgacalkuna
dhamoow igaga yaala
dhabtuu jacaylku yaala

sida dhirahah midhaha leh
oo dhibici dayri
subacnimo kuso dhacay
ooy dharabkiyo malabkuba
dhulka dacalka saaren
aan ku dhaweeyo
marna aan ku dheehde
cabdiyo ha dheeran

Exit mobile version