Joogdheer haldhaayey
marka/kolka aad dhaqaaqdo
dhirto way istaagtaa
Aadmigu dhamaantii
adun buu ku dhowraa
dhulka intaad marayso

Shimbiruhu dhawaaqbay
kugu sii dhoweeyan
cadceeduna Dhankeedey
Kulayl Kaa dhintaayo
Dhidid kaama keento

Yartu Dheeman weeyo
Nafta Way Dhex qaado
Qofna DhaafsaN maamee
QalbigaY ku dhigantE
Dhaayahayga weyaan,

Dhut xariir dhameesay
jinka kuguma soo dhaco
Quruxdaada dhibeeso
Dhafaraar ka qaado
Markaad dhowrto adigu
Naxdin buu la dhuunta

Dhigta nuurka heeso
Ugub dhaxaadka dunida
Xidigaha is dhaafay
Dayaxaan dhaceen
Adoo aan dhamaanee

Yartu Dheeman weeyo
Nafta Way Dhex qaado
Qofna DhaafsaN maamee
QalbigaY ku dhigantE
Dhaayahayga weyaan,

Exit mobile version